Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada HirShabelle oo ku shiray Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta waxa uu shir gudoomiyay kulankii todobaadlaha ee golaha wasiirada Maamulka Hirshabeelle,kaasoo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga,warbixin howleedka todobaadlaha ee Wasaaradaha iyo ka doodista dhammeystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka ah oo Cutubkiisii labaad Todobaadkaan lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Mudane Cali Guudlaawe.

Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo todobaadkiiba mar la qabo ayaa maanta goluhu ku falanqeeyeen Xaaladaha ammaanka ee deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle iyo in dhowaan la sameyn doono howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo lagu xureynayo deegaano badan.

Shirka intii uu socday waxaa warbixin howleedka todobaadka looga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada Hirshabeelle,waxaana la faray inay laba laabaan waajibaadka shaqo ee ay ummadda u hayaan.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirada intii u socday waxaa aad looga dooday qorshaha dhammeystirka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya oo cutubkiisii labaad gudiga dhammeystirka usoo gudbiyeen DG Hirshabeelle si ay usoo indha indheeyaan wixii caqabad ku ah bulshad Hirshabeelle iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meesha uga saaraan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku booriyay wasiirada iney dardar geliyaan adeegyada muhiim aka h ee ay u hayaan Bulshada Hirshabeelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this