Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi dhan oo sixi waayay Taariikhda la ansixiyay Dastuurka Puntland!!

Recommended Posts

Deeq A.   
Dhabancad.png?w=1000&ssl=1Guddoomiyaha Guddigaas Wasiir Dhabancad

7-February 2020, Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa iclaamiyay Shirka Wada-tashiga Puntland oo sida qorshaysan la qaban doono 15-ka bishaan Maarso 2020-ka.

Shirkaas, waxaa lagu casumay dhammaan Golayaasha dowladda Puntland iyo Wakiilada ku metela heer Federaal, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, si looga tashado Mustaqbalka Puntland iyo dawrkeeda ku aaddan Midnimad iyo hirgelinta Hannaanka Federaaleynta dalka Soomaaliya.

18-February 2020, Madaxweyne Deni ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada Shirkaasi Wada-tashiga Puntland, Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Guddiga ayaa isu’gu jira 4 Wasiir, 2 xildhibaan, 4 xubnood oo ka tirsan Bulshada Rayidka ah iyo mid kamid ah La-taliyaasha Madaxweyne Deni.

Balse, tan iyo markii la magacaabay Guddigaas Warbaahinta ma hor-imaan, islamarkaana Bulshada lama wadaagin wax ku saabsan halka ay marayso Hawsha loo xilsaaray ee Diyaarinta iyo qaban-qaabada Shirka Wada-tashiga Puntland.

Haddaba, Guddiga ayaa markii u horraysay Maanta oo Axad ah, waxay baahiyeen farriin laba daqiiqo ah oo ku saabsan aas’aaskii Dowladda Puntland iyo Ansixintii Dastuurka Rasmiga ah ee Puntland, taasi oo ay ku jiraan Qaladaad dhanka Taariikhda ah oo ka been-sheegaya xilliga la ansixiyay Dastuurka iyo Tirada Ergooyinkii ansixiyay.

Farriinta Guddiga, waxaa lagu sheegay in Dastuurka Puntland la ansixiyay 2011, islamarkaana ay ansixiyeen 469 Ergo ah, balse sida saxdaa Dastuurka Puntland waxaa la ansixiyay 18-kii bishii April 2012, waxaana ansixiyay 472 Ergo ah.

Xukuumaddii Puntland ee xilligaasi jirtay, ayaa caasimadda Garoowe isu’gu keentay 480 Ergo ah oo laga keenay dhammaan gobollada Puntland, 472 xubnood ayaa ogolaaday Ansixinta Dastuurka, 6 xubnood ayaa diiday, halka 2 qofna ay goobta ka maqnaayeen xilliga codayntu dhacaysay.

Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay: Guddiga ma waxaa loo xil-saaray  Diyaarinta iyo qaban-qaabada Shirka Wada-tashiga Puntland? mise waxaa loo diray aas’aaskii Puntland 1998-dii iyo Ansixintii Dastuurka 2012-kii? Waxaase Iyana su’aal kale ah side Guddi dhan u sixi waayeen Taariikhda la ansixiyay Dastuurka Puntland iyo cidda ansixisay?

PUNTLAND POST

The post Guddi dhan oo sixi waayay Taariikhda la ansixiyay Dastuurka Puntland!! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this