Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Qabsoomida Doorashooyinka Iyo Xubintii Xisbigooda U Matalaysay Komishanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada Somaliland ugu bushaareeyay in doorashooyinka baarlamaanka iyo degaannadu dhici doonaan sanadkan 2020, islamarkaana uu si rasmi ah u dhaqan galayo heshiiskii laga gaadhay arrimaha doorashooyinka.

“Inbadan baynu isla jiitamaynay arrimaha doorashada laakiin, waxaan ku faraxsanahay in walaahowgii laga baxay, in laga heshiiyay in doorashadii la qabto. Heshiis siyaasi ah baa dhacay oo ah in doorashadii Wakiillada iyo goleyaasha degaanku inoo qabsoomaan sanadkan 2020. Arrintaasi waxay guul u tahay Somaliland, wixii qabyo ah ee dhiman asxaabtu waxay ku heshiiyeen in xisbiyadu si wada jir ah u dhammeeyaan, waxaan shacbiga Somaliland u soo jeedinaya in walaahowga laga baxo oo ma dhacaysa iyo ma dhacayso doorasho iska dhaaftaan oo doorashada u diyaargarowdaan,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay xaflad haweenka xisbiga WADDANI ku xusayeen maalinta haweenka ee 8 March waxa uu bulshada ku boorriyay in ay doortaan xildhibaanno tayo leh si ay uga baxaan cabashada ay hadda ka qabaan goleyaasha degaanka.

Waxa kale oo uu ugu baaqay in musharraxiinta doonaysa in ay iska sharaxaan xisbiga WADDANI ay inta bishan lagu gudo jiro ka hawlgalaan sidii ay si rasmi ah isugu sharraxi lahaayeen, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this