Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan oo war ka soo saaray maalinta Haweenka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay maalinta haweenka ee sideeda Maarso oo maanta ku beegan

Qoraal ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa ugu horreyn lagu bogaadiyey doorka ay haweenka Soomaaliyeed ku dhex leeyihiin bulshada.

Wakiilka ayaa sheeegay in haweenka Soomaaliyeed ay waxqabad muuqda soo bandhigeen, si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay muujiyeen geesinimo, karti, adkeysi iyo dadaal, iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ka mid yihiin colaado daba-dheeraaday, amni darro iyo xasilooni la’aan siyaasadeed oo weli ka jirta Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in haweenka Soomaaliyed ay si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka qeyb galka siyaasadda oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay astaan muhiim ah u noqon karto xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this