Deeq A. Posted March 8, 2020 Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa ka hadlay maalinta haweenka ee sideeda Maarso oo maanta ku beegan Qoraal ka soo baxay xafiiska James Swan ayaa ugu horreyn lagu bogaadiyey doorka ay haweenka Soomaaliyeed ku dhex leeyihiin bulshada. Wakiilka ayaa sheeegay in haweenka Soomaaliyeed ay waxqabad muuqda soo bandhigeen, si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haweenka Soomaaliyeed ay muujiyeen geesinimo, karti, adkeysi iyo dadaal, iyagoo wajahaya caqabado badan, oo ay ka mid yihiin colaado daba-dheeraaday, amni darro iyo xasilooni la’aan siyaasadeed oo weli ka jirta Soomaaliya. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in haweenka Soomaaliyed ay si siman u helaan xuquuqda, fursadaha iyo ka qeyb galka siyaasadda oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay astaan muhiim ah u noqon karto xaqiijinta ajandaha horumarinta qaran ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites