Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay nin lagu helay Shabaabnimo

Recommended Posts

Deeq A.   
shabaab.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,  ayaa saaka  8-sannadood oo xabsi ciidan ah ku ridday,  eedaysane Muuse Maxamed  Axmed, oo lagu helay in uu ka tirsanaa Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay, in eedaysane Muuse Maxamed Axmed uu Al-shabaab u qaabilsanaa farsameynta agabka qarxa, gaar ahaanna bumbooyinka loo yaqaanno F1.

Qareenka u doodayay eedaysane Muuse, ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto, maadama uusan aqoon u lahayn wax yaabaha lagu soo qabtay, balse ay dad kale u soo dhiibeen.

Garsooraha Maxkamadda, ayaa sheegay in xukmane Muuse Maxamed Axmed uu haysto fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Maxkamadda oo dhan

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay nin lagu helay Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this