Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn Mareykanka uu ka fuliyey  qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka duqeyntaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa xusay in duqeyntaasi ay la beegsadeen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose.

AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkaasi dhanka cirka ah lagu dilay illaa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay diyaaradahooda ay ka fuliyeen Gandarashe aysan khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaankaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliy.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this