Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Al-Shabaab ah ‘oo duqeyn lagu laayey’ kadib weerarkii maanta ee Ceel-Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM ay galabta duqeyn ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Maanta casardheerki, 7-da Maarso, 2020, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka u gaystay xagjiriinta Al-Shabaab meel u dhaw tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose.” ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw  ay baahisay warbaahinta dowladda.

Duqeynta ka dhacday Gandarshe ayey sheegtay dowladdu in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin wax yeelo kasoo gaartay dad rayid ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in weerarkan uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay maanta weerar ku qaadeen saldhigga militeriga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini ee duleedka degmada Marka.

Wararkaas waxaa lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda federaalka in ay iska caabiyeen ciidanka xoogga dalka ee lagu weeraray saldhigga Ceel-Saliini.

“Ku dhawaad 30 argagaxisada A-Shabaab ayaa isku dayay in ay cagta mariyaan xerada militari ee Ceel-Salini, hayeeshee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa jab u gaystay, mana jirin cid ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo wax ku noqatay weerarkaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this