Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada suuqa Bacadlaha Garoowe oo ka cabanaya Canshuuro lagu kordhiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ganacsatada Kabarleeyda ah ee Suuqa Bacadlaha Garoowe, ayaa maanta oo Sabtiya shaqa-joojin sameeyay, kadib markii sida ay sheegeen dowladda hoose ee Garoowe ay ku laba-jibbaartay Canshuurta Sannadlaha.

Ganacsatada suuqaas, ayaa sheegay in sannadkan 2020-ka ay dowladda hoose  laba-jibbaar ku kordhisay Canshuurta sannadlaha, islamarkaana halkii Miis oo keliya  la canshuuray lacag dhan $102 oo Dollar.

Sidoo kale, waxay sheegeen in dowladda hoose ay handadaad ku samaysay Ganacsatada danyarta ah ee suuqa, kuwaasi oo qaarkood xabsiga la dhigay, kadib markii ay awoodi waayeen, in ay bixiyaan canshuurta xad-dhaafka ah ee lagu kordhiyay.

Ganacsatada ayaa tilmaamay, in subax walba dowladda hoose ay suuqa keento gaari Shabaqle ah oo askar hubaysan saarantahay, kaasi oo xabsiga u daabula Ganacsatada awoodi-waaya in ay bixiyaan Canshuurta lagu kordhiyay.

Dhinaca kale, Ganacsatada ayaa cabasho ka muujiyay Sarrifka Dollarka oo baaxa-degaya, kaasi oo sare u kac ballaaran ku keenay qiima Maciishadda.

  • 1-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-2.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ganacsatada suuqa Bacadlaha Garoowe oo ka cabanaya Canshuuro lagu kordhiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this