Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo ciidamo badan ku daadiyey Gaalkacyo xilli uu soo baxay tuhun xooggan

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug ee garabka Gaalkacyo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa maanta ciidamo ka amar qaata ku daadiyey Koonfurta magaalada Gaalkacyo, oo hadda xarun u ah maamulkiisa.

Ciidamadan ayaa maanta baaritaano ka sameeyey qaar ka mid ah xaafadaha Koonfurta magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sababta ka dambeysa in ciidamadaan ay howlgal ka sameeyaan magaaladda Gaalkacyo ayaa lagu sheegay kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah iyo maamulka Galmudug ee garabka Dhuusomareeb ay gaareen magaalada.

Inkasta oo imaatinta mas’uuliyiintan ee Gaalkacyo aan la xaqiijin, haddana waxaa la rumeysan yahay inay shaki ka dhex abuureen maamulka Xaaf.

Tan iyo markii Galmudug-ta uu hoggaamiyo Qoor Qoor ay ka adkaatay Ahlu-Sunna, waxaa aad loo hadal hayey in laga yaabo inay isku sii fidiso qeybaha kale ee deeganada Galmudug, si ay gacanta ugu dhigto.

Tallaabada maanta ciidanka loogu daadiyey Gaalkacyo ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne ku-xigeenka Xaaf, Ibraahim Xasan Guureeye uu beeniyay inay heshiis la galeen madaxweynaha Galmudug ee ee garabka Dhuusomareeb Axmed Cabdi Qoor Qoor.

Madaxweyne ku xigeenka Qoor Qoor, Cali Daahir Ciid oo u warramay VOA ayaa sheegay inay heshiis la galeen Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horay uga biyo diiday doorashadii Dhuusamareeb.

Hase yeeshee Ibraahim Guureeye, ayaa sheegay in aysan jirin xitaa wax wadahadal ah oo dhexmaray Xaaf iyo Qoor Qoor, iska daa heshiis’e, islamarkaana madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug uu yahay Xaaf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this