Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog ku saabsan qorshaha ay Nairobi u joogaan Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo labaduba sheegta madaxweynaha Jubaland ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay u joogaan qorshe la rabo in lagu heshiisiiyo ayaga iyo Axmed Madoobe.

Isku dayga la isugu keenayo dhinacyadan, ayaa marar badan miro dhali waayey, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in markan ay u dhowdahay inay heshiis la gaaraan Axmed Madoobe, lana soo afjaro khilaafkii Jubaland.

Dadaalladan ayaa waxaa wada siyaasiyiin, odayaal iyo ganacsato ku beel ah labada dhinac oo reer Kenyan ah, sida aan xogta ku helnay.

Seeraar iyo Maax ayaa Nairobi gaaray maalintii Isniinta, kadib markii diyaarad gaar ah oo laga soo diray Nairobi ay ka qaaday xarunta Jubaland.

Inkasta oo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uusan ku sugneyn Nairobi, haddana waxaa wararku ay sheegayaan inay joogaan dad uu aad ugu kalsoon yahay oo wakiil uga ah wada-hadallada.

Heshiiska suurta-galka ah inuu dhex maro labada dhinac, ayaa waxaa saacidaya khilaaf la sheegay inuu soo kala dhex-galay Seeraar iyo Maax iyo dowladda federaalka ah, oo la rumeysan yahay inay si hoose u taageereysay xubnahan.

Seeraar iyo Maax ayaa la rumeysan yahay inaysan la dhacsaneyn siyaasaddii ay dowladda federaalka dhowaanahan ku wajaheysay arrimaha Jubaland.

Seeraar iyo Maax ayaa heshiis kasta oo ay la galaan Axmed Madoobe ku beddelan doono faa’iidooyin kale inkasta oo aysan weli caddeyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this