Sign in to follow this  
Deeq A.

Khilaafka siyaasadeed ee dalka oo saameeyey hannaanka dib u habeynta Maaliyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Puntland iyo Jubbaland ayaa ka cudurdaartay ka qeybgalka shir dhawaan ka dhici lahaa Baydhabo oo looga hadli lahaa hannaanka Maaliyada iyo arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu codsatay in muddo bil ah dib loo dhigo shirkaas oo 7-da bishaan ka furmi lahaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxay codsigaas ku sababaysay inay ay ku mashquulsan tahay qabashada shirka Wadatashiga Puntland oo 15-ka bishaan ka ka furmaya magaalada Garowe.

Sidoo kale war ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in la hakiyey ka qeybgalka shirarka looga arrinsanayo arrimaha maaliyadda iyo deyn cafinta ee hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta la joojinayo wax lagu sheegay colaad iyo xayiraad ay dowladda Federaalku ku heyso Jubbaland.

Shirarka looga hadlo arrimaha maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya ayaa horey uga dhacay qaar kamid ah magaalo madaxyada dowlad goboleedyada iyo sidoo kale dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yugaandha, waxaana ka qeybgali jiray Federaalka, dowlad goboleedyada iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Arrinta ay hadda u diideen shirkan Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu macnaan karaa khilaafka meesha xun gaaray ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Hoos ka akhriso qoraalada ay soo saareen Puntland iyo Jubbaland

FB_IMG_15833388484865693.jpg?w=1000&ssl= FB_IMG_15833389729360690.jpg?w=1000&ssl=


PUNTLAND POST

The post Khilaafka siyaasadeed ee dalka oo saameeyey hannaanka dib u habeynta Maaliyadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this