Deeq A. Posted March 4, 2020 Dowladda Kenya ayaa maalmaha soo aadan waxaa la filayaa in howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ay kala hadasho qorshe ay Soomaaliya ugala baxeyso ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka. Wasiirka difaaca Kenya Monica Juma ayaa hoggaamin doonto wadahadallada dowladda Kenya ay la yeelaneyso howlgalka AMISOM, waxaana wadahadalladaasi ay ka soo hormarayaan kulamo howlgalka AMISOM uu kaga hadlayo qorshaha guud ahaan ciidamada AMISOM ay uga baxaan gudaha Soomaaliya marka la gaaro sanadka soo socda ee 2021. Qorshaha Kenya ay ku dooneyso in ciidamadeeda ay ugala baxdo Soomaaliya ayaa soo gabagabeyn doona 9 sano oo ciidamadeedu ay qeyb ka ahaayeen howlgalka AMISOM. Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii ka soo gudbay xadka Soomaaliya, waxaana xilligaasi ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab. AMISOM ayaa sidoo kale bishii la soo dhaafay ee Febraayo kun askari ka dhintay howlgalkooda nabad ilaalinta AMIOSM, waxaana Kenya ay dhankeeda damacsan tahay in Soomaaliya ay kala baxdo qiyaastii 3,500 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites