Deeq A. Posted March 4, 2020 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in kumanaan ruux oo ay Soomaali ku jiraan xilligaan ay ku dhibaateysan xuduuda ay wadaagaan dalalka Turkiga iyo Gariiga. UNHCR ayaa bayaanka ay soo saartay ku xustay in kumanaan ruux oo isugu jira caruur, haween iyo dad da’ ah ay ku xaniban yihiin xuduuda Turkiga iyo Gariiga, islamarkaana ay wajahayaan caqabdo badan oo dhanka nolosha ah. Kumanaanka ruux ee Qaramada Midoobay ay sheegtay in y taagan yihiin xuduuda Turkiga iyo Gariiga ayaa ka soo jeeda wadamada Suuriya, Afghanistan, Ciraaq, Bangladesh iyo Soomaaliya, waxaana dhammaan dadkaasi ay ku haminayaan in ay galaan dalka Gariiga. Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowalda dalka Gariiga in ay ilaaliso dadka muhaaajiriinta ah ee taagan xuduudkeeda, islamarkaana ay joojiso awoodaha dheeraadka ah ee ay ciidamadeeda u adeegsanayaan xakameynta muhaajiriinta. Si kastaba ha’ahaatee Soomaali badan oo daganeyd gudaha dalka Turkiga ayaa ka mid ah kumanaanka muhaajiirinta ah oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ay haatan dhibaatooyin badan ku wajahayaan xuduuda dalkaas uu la leeyahan wadank Gariiga. View the full article Share this post Link to post Share on other sites