Deeq A. Posted March 3, 2020 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Md Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ku xigeenka Wakiilka hey’adda UNDP Soomaaliya Marwo Jacqueline Saline iyo Wafdi la socday. Waxaa kulanka Guddoomiye Cumar ku wehliyay ku xigeenka Gobolka arrimaha maamulka iyo maaliyadda iyo sidoo kale saraakiil farsamo oo ka mid ah maamulka Gobolka Banadir. Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo la Xirirka iskaashiga iyo wada shaqaynta Maamulka Gobolka Banadir iyo hey’adda UNDP gaar ahaan balaarinta mashaariicda horumarineed ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites