Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano kale oo maanta iska casilay Xisbiga UPD

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba xubin oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD ayaa maanta is-casilay.

Xubnaha is casilay oo aan si rasmi ah u sheegin sababata ay isku casileen ayaa waxay kala yihiin laba Xildhibaan oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, oo ah Senator Muxiyadiin Sheekh Cali Jaamac, iyo Senator Cabdirazak Axmed Cali.

Is-casilaadaan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli shalay ay si casileen laba xubin oo ka kala tirsanaa Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD, oo kala ah xildhibaan Cabdifataax Daahir Ismaaciil oo ka tirsanaa Xisbiga UPD iyo xildhibaan Xuseen Carab Ciise ka mid ahaa Xisbiga Himilo Qaran.

Xubno ka mid ah xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran ayaa Caasimada Online u sheegay in xubanaha is casilay aysan la dhacsaneyn qaabka ay wax u wadaan xisbiyada mucaaradka, iyo in mucaaradooda ay u arkaan mid aan dhameystirneyn.

Xisbiga UPD weli wax war kama soo saarin is-casilaaddan soo kordheysa oo ay sameynayaan xubnaha xisbiga. Sidoo kale xisbiga Himilo Qaran ayaan jawaab bixin.

Halkaan hoose ka akhriso warqadaha kasoo baxay labada Senator ee maanta iska casilay xubinimadii xisbiga UPD.

Senator-Muxiyadiin_0001-1.png Senator-Cabdirisaaq_0001-1.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this