Sharif_seylaci Posted November 12, 2006 http://www.sooyaal.com/?w=show&id=2287 NIN LABA HAWEEN AH CAAWA MAR KELIYA KU AQAL-GALAY MAGAALADA HARGEYSA Waxaa caawa magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Koodbuur, xaafadda Xero-Awr ka dhacay Aroos ka mid ah aroosyada mucjisada ah ee ku cusub dhaqanka Soomaalida, kaas oo uu laba dumar mar keliya uu la wada aqal-galay nin keliyi, xaflad aroosna loo wada qabtay. Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ah wiil dhalinyaro ah waxaa caawa goob keliya ku wada aroosay Gaasira Muxumed Xuseen iyo Shukri Cismaan Axmed, iyadoo ay munaasibaddii arooskaas oo ka dhacday xaafadda Xero-Awr ka soo qayb-galay dadweyne aad u farabadan oo aad ula yaabanaa arooskan saddexan. Dhacdadan ayaa ah tii labaad ee taariikhda dadka Soomaalida ah lagu arko, ayaa dad badan ku abuurtay layaab, iyadoo qofkaastaba si arkay ugana faalooday. “Waa calaf inaan labadayda xaas mar soo wada hooyo.” Sidaas waxa yidhi Arooska Ismaaciil Cismaan Cabdillaahi oo ka jawaabayay su’aal la weydiiyay oo ahayd sida uu u dhacay qorshihiisan guurka labada dumar ah. Dhinaca kalena, labada caruusadood ee xalay Ismaaciil Cismaan la wada-aqalgalay ayaa iyaguna si kooban u sheegay in ay ku qanaxsan yihiin guurkoodan lamaanaha ah, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in goob keliya xaflad loogu wada-sameeyo, sey keliyana ay wadaagaan. Dhacdadan dhaqanka Soomaalida ku cusub ayaa ah tii labaad ee sannadka gudaheeda ka dhacday Somaliland, gaar ahaan gobolka Hargeysa, iyadoo badhtimihii sannadkan uu aroos kan oo kale ah uu nin keliya laba gabdhood goob keliya kuwada aroosay tuulada Garabis ee koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa. Dhaqanka cusub ee ku soo kordhay hab-dhaqankii Soomaalidu lahaan jirtay, ayaa la moodaa inuu hirgalay inkastoo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi aanay la dhacsanayn, isla markaana ay saluug badan ka muujiyaan, gaar ahaan dhinaca haweenka oo iyagu u arka inuu meel-ka-dhac ku yahay haweenka, isla markaana xuquuqdii Liibaan Maaweel Shire Somaliland Today Quote Share this post Link to post Share on other sites
Captain Xalane Posted November 12, 2006 This is crazy. P.s.This post belongs to the General Forum. Quote Share this post Link to post Share on other sites
murefu Posted November 14, 2006 lool, he married two wives at the sametime that is what he intentionally wanted to hear from market " this guy married two wives at sametimes" , there is no any other reason/ envision might behind that Quote Share this post Link to post Share on other sites
Janna Posted November 14, 2006 Originally posted by murefu: lool, he married two wives at the sametime that is what he intentionally wanted to hear from market " this guy married two wives at sametimes" , there is no any other reason/ envision might behind that "Married two wives in Somaliland"- more like it. Quote Share this post Link to post Share on other sites