Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar kasoo baxaya ujeedka xildhibaanadii Kenya ee tegay Muqdisho iyo ‘qorshaha’ DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya ujeedka ay Muqdisho u tageen sideed xildhibaan oo Kenyan ah oo maanta lagu qabtay garoonka Wilson Airport ee Nairobi, kadib markii ay soo laabteen.

Magacyada xildhibaanada iyo deegaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West) iyo Kullow Maalim (Banisa).

Wargeysyada Kenya sida The Standard iyo The Star ayaa werinaya in wafdigan ay Muqdisho kula soo kulmeen saraakiisha hay’adda sirdoonka Soomaaliya, islamarkaana lagala hadlay arrimo la xiriira muranka ka dhex oogan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.

Sida labada wargeys ay qoreen, dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay xildhibaanadan ay xukuumadda Kenya ku cadaadiyaan in deegaanka ay kasoo jeedaan laga saaro wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo Muqdisho ka baxsaday 28-kii Janaayo.

Xildhibaanadan ayaa qaarkood horey u sheegay inay kasoo horjeedaan joogitaanka Cabdirashiid Janan ee Mandhera, waxayna dalbadeen in laga saaro magaalada.

Dhinaca kale, waxaa muuqda kala qeybsanaan dhanka xildhibaanada Kenya ee Soomaalida ah, oo ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, sida uu sheegay madaxii hore ee Geeska Africa ee hay’adda xasaradaha adduunka ee ICG, Rashiid Cabdi.

“Dowladda Soomaaliya waxay faro-gelinta Kenya kaga jawaabtay ayada oo gobolka Waqooyi Bari Kenya u kala qeybineysa hab qabiil. In la go’doomiyo Ogaadeenka oo loo arko inay taageersan yihiin Axmed Madoobe, in lasoo dhoweeyo Garre, Dagoodiya iyo Ajuuraan. Tallaabo ka hortag oo cajiib ah,” ayuu Rashiid ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this