Deeq A. Posted March 1, 2020 Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalkaasi oo Sabtidii booqasho qarsoodi ah ku yimid M/ Muqdisho. Xildhibaanadaan oo gaaraya illaa sadeed mudane ayaa ka soo jeeda gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaana lagu qabtay garoonka diyaaradaha Wilson ee Nairobi Mid ka mid ah TV-yada dalka Kenya ayaa shaaciyey in xildhibaanadaasi ay la kulmeen madax ka tirsan dowladda federaalka, gaar ahaan saraakiil ka mid ah hay’adda NISA. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu xumaa xiriirka u dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya oo weli isku kiiska badda ee hor yaalla ICJ View the full article Share this post Link to post Share on other sites