Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo si adag uga hadlay jidadka go’doonsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo maanta u warramayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa tilmaamay in Koonfur Galbeed caqabada ugu daran ee haatan heysata ay tahay deegaanada ay go’doomiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulkiisa uu u baahan yahay xilligaan in lagala Shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee mamaulkaasi.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ciidanka huwanta ay ka wadaan gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool ee K/ Galbeed Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Codka-Jaamac.mp3

T

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this