Deeq A. Posted March 1, 2020 Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo maanta u warramayey warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xaaladda deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa tilmaamay in Koonfur Galbeed caqabada ugu daran ee haatan heysata ay tahay deegaanada ay go’doomiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maamulkiisa uu u baahan yahay xilligaan in lagala Shaqeeyo sidii la isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee mamaulkaasi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ciidanka huwanta ay ka wadaan gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool ee K/ Galbeed Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Codka-Jaamac.mp3 T View the full article Share this post Link to post Share on other sites