Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka 2-da Gole oo magacaabay guddi dhameystiraya xeerarka sharciga doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Warsaxaafadeed si wada jira uga soo baxay labada guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ku meel gaar ah oo ka shaqeynaya diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka qaranka.

Xubnaha la soo magacaabay ayaa waxa ay ka koobanyihiin 17 xubin, waxaana 9 ka mid ah xubnahaasi laga soo xulay xildhibaanada golaha shacabka halka 8-kale ay ka tirsanyihiin mudanayaasha aqalka sare.

Guddigan ayaa la sheegay in ay qaban doonaan shaqooyin la xiriira doorashooyinka, waxaana ka mid ah in ay la kulmaan guddiga doorashooyinka iyo arrimo kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka ay sida wada jirka ah u soo saareen Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Magacaabista Guddiga ayaa waxaa ay daba socotaa ansixinta sharciga doorashada ee uu dhawaan saxiixay Madaxweynaha iyo qabashada doorashada qof iyo cod oo ka dhacda dalka sida sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

g.jpg

gol.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this