Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano ka tirsan Kenya oo su’aalo adag laga weydiinayo safar qarsoodi ah oo ay ku tageen Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

8 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, oo ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee dalkaas, ayaa booliisku su’aalo ka waydiinayaan safar qarsoodi ah oo ay ku tageen Magaaladda Muqdisho.

Xildhibaanadan oo shalay u duulay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabtay dalka Kenya.

Telefishanka Citizen tv, ayaa saraakiil ka tirsan sirdoonka Kenya waxaa uu ka soo xigtay, in xildhibaanadaas ay la soo kulmeen mas’uuliyiinta sirdoonka dowladda Federaalka Somaliya.

xildhibaanada ayaa wax laga waydiinayaa ujeedada socdaalkooda Muqdisho, in uu ahaa mid khaas ah iyo inuu ahaa mid rasmi ah oo ay wax ka ogaayeen guddoonka Barlamaanka iyo Xukuumadda Kenya.

Safarka qarsoodiga ah ee xildhibaanadaas ku tageen Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay, wakhti xiriirka u dhexeeya dowladdaha Somaliya iyo Kenya uusan wanaagsanayn.

Xildhibaanadan ayaa hadda waxay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Wilson, halkaasi oo su’aalo lagu waydiinayo.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaano ka tirsan Kenya oo su’aalo adag laga weydiinayo safar qarsoodi ah oo ay ku tageen Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this