Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka 2-da Gole Oo Magacaabay Guddi Dhameystiraya Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed si wada jira uga soo baxay labada guddoon ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu magacaabay guddi ku meel gaar ah oo ka shaqeynaya diyaarinta iyo dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka qaranka.

Xubnaha la soo magacaabay ayaa waxa ay ka koobanyihiin 17 xubin, waxaana 9 ka mid ah xubnahaasi laga soo xulay xildhibaanada golaha shacabka halka 8-kale ay ka tirsanyihiin mudanayaasha aqalka sare.

Guddigan ayaa la sheegay in ay qaban doonaan shaqooyin la xiriira doorashooyinka, waxaana ka mid ah in ay la kulmaan guddiga doorashooyinka iyo arrimo kale oo lagu xusay warsaxaafadeedka ay sida wada jirka ah u soo saareen Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa 21-kii Feberaayo saxiixay sharciga doorashooyinka qaranka.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka ay soo saareen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya

g.jpg gol.jpg

aq.jpg

k.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this