Tillamook Posted April 15, 2022 Ceelwaaq oo lagu beddalay Garbahaarey 16 kursi ee ka haray doorashada Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal ayaa lagu sheegay in iyada oo la raacayo heshiiskii 17 Sebtember 2020 ee in ahaa laba deegaan doorasho, in doorashada lagu qabto, ay degmada Ceelwaaq ku beddeleen Garbahaarey oo ay sheegeen in aysan doorasho ka dhici karin. Garbahaarey waxay ahayd xuddunta khilaafka doorashada horay u soo hareeyey. Waxaa lagu wadaa malinta berri ah ay Ceelwaaq gaaraan 32 Musharax kuwaas oo 16 kamid ah ay yihiin Malxiisiin, doorashadaasna u dhacayso sida Axmed Madoobe Madaxereynaha Jubaland ugu talo galay. Maanta waxaa la dhaariyey Xildhibaano ka badan 250 oo XIldhibaan, kuwaas oo sabtia yeelanaya fadhiyadoodi caadiga ahaa. Ceelwaaq oo lagu beddalay Garbahaarey 16 kursi ee ka haray doorashada - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Laba teendho oo loo dhisey in xulitaanka xildhibaanada lagu qabto Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted April 15, 2022 Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Waxaa maanta qabsoontey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal, taas oo ka dhacdey gudaha Xalane gaar ahaan teendhada Afisiyoone. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Xildhibaano ku dhaw 300 oo xildhibaan, oo kamid ah 310 Xildhibaan ee dooran. Munaasabadii Dhaarta waxaa waxaa ka soo qaybgalay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble. Xildhibaanada waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo sheegay in dastuurku aanu dhigeyn qaabka loo dhaarinaayo Xildhibaanada laakiin ay ku taalo xeer hoosaadka, waxaana uu ku dhaariyey si waafqsan xeer hoosaadka baarlamaanka. Kadib dhaarta ayaa lagu wadaa in Xildhibaanadu ay shirguddoon u doortaan Xildhibaanka ugu weyn dhanka da’da sida uu qabo dastuurku, kaas oo lagu wado in uu noqdo Danjire Dhabancad oo laga soo doorto Galmudug. Waxaa weli dhiman oo aan xal laga gaarin kuraasta taala Garbahaarey oo gaaraya 16 kursi, sidoo kale waxaa Jowhar ku harsan ilaa saddex kursi. Xildhibaanadii 2012 ee baarlamaankii sagaalad ayaa lagu dhaariyey barxadda garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde bishii Agoosto tiradooduna ahayd 220 Xildhibaan, aqalka sarena ma jirin. Xildhibaanadii 2016 la doortey ee baarlamaankii 10aad ayaa lagu dhaariyey Hoolka Jen Kaahiye ee iskool Boliisiyo 27 December iyaga oo tirada la dhaariyey ay ahayd markaas 284. Horseed Media Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Waxaa maanta qabsoontey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal, taas oo ka dhacdey gudaha Xalane gaar... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted April 15, 2022 International partners welcome swearing-in of Parliament; urge rapid completion of electoral process | UNSOM UNSOM.UNMISSIONS.ORG Mogadishu – International partners* welcome today’s swearing-in of newly-elected members of Somalia’s House of the People and Upper House. After a period of more than one year in which all Somali... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted April 17, 2022 Guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Golaha shacabka oo lagu dhawaaqey Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay fadhigoodi u horeeyey, kalfadhiga ayaa ka dhacay xarumaha baarlamaanka, halka markii hore lagu dhariyey xerada Afisiyoone. Ajandaha ugu weyn ee Xildhibaanada ayaa ah, sidii ay isaga dhex soo saari lahaayeen guddiga qaban-qaabada doorashada shir-gudoonka baarlamaanka. Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Dhabancad ayaa xildhibaanada ka codsadey in isagu uu soo qabto 10 Xildhibaan oo noqonaya guddiga qaban-qaabada, laakiin Xildhibaanada ayaa taas ka diidey, waxaana ay dalbadeen in shanta beelood mid walba iyadu ay iska soo sarto laba Xildhibaan oo guddiga ka mid noqda. Horey sidaan uma dhici jirin waxaa guddiga soo saari jirey guddoomiyaha kumeel-gaarka ah, kadibna Xildhibanadu waa ansixin jireen. Kadib dXildhibaanada ayaa isu qaybshey beelaha ay ka soo kala jeedaan dood yar oo qolokasta dhankeeda u yeelatey ayey iska soo xuleen qolo kasta laba xubnood., waxaana ay kala yihiin: 1. Cabdirisaaq Cumar maxamed (Mogadishu Clan) 2. Xuseen Maxamed Nuur (Haweiye) 3. Xaaji Cali Max’ed Nuur- (Digil & Mirifle) 4. Maxamed Abukar Cabdi (Digi & Mirifle) 5. Dahabo Suusow Maxamud (Beesha 5aad) 6. Qaasim Cilmi Seed (Daarood) 7. Cumar Sharif Jeeg- (Beesha 5aad) 8. Nasro Mahdi Caraale (Dir) 9. Cabdullaahi Xassan Rooble (Daarood) 10. Maxamed Xuseen Haadi ( Dir) Guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Golaha shacabka oo lagu dhawaaqey - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted April 17, 2022 Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Oo La Magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa magacaabay Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare. Wareegto uu soo saaray guddoomiye Gaagaab ayuu ku magacaabay xubnaha Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddoonka Golaha, kuwaasi oo ka kooban 6 Senator oo laga soo dhex saaray Golaha. Senatorada Aqalka Sare oo maanta kulankii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ajendihiisu ahaa Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee ku aadan howlaha horyaalla Senatorada Aqalka Sare Baarlamaanka dowladda. Hoos ka akhriso: Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Oo La Magacaabay - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted April 17, 2022 Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Guddoonka KMG ah Ee Baarlamaanka Soomaaliya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiyeyaasha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Golaha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyadda qaran ee loo igmaday. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday. Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madaxwaynaha uga mahadceliyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’antahay dardar galinta doorashooyinka dalka. Horseed Media Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Guddoonka KMG ah Ee Baarlamaanka Soomaaliya - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Arafaat Posted April 24, 2022 On 4/17/2022 at 9:36 AM, Tillamook said: Guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Golaha shacabka oo lagu dhawaaqey Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay fadhigoodi u horeeyey, kalfadhiga ayaa ka dhacay xarumaha baarlamaanka, halka markii hore lagu dhariyey xerada Afisiyoone. Ajandaha ugu weyn ee Xildhibaanada ayaa ah, sidii ay isaga dhex soo saari lahaayeen guddiga qaban-qaabada doorashada shir-gudoonka baarlamaanka. Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Dhabancad ayaa xildhibaanada ka codsadey in isagu uu soo qabto 10 Xildhibaan oo noqonaya guddiga qaban-qaabada, laakiin Xildhibaanada ayaa taas ka diidey, waxaana ay dalbadeen in shanta beelood mid walba iyadu ay iska soo sarto laba Xildhibaan oo guddiga ka mid noqda. Horey sidaan uma dhici jirin waxaa guddiga soo saari jirey guddoomiyaha kumeel-gaarka ah, kadibna Xildhibanadu waa ansixin jireen. Kadib dXildhibaanada ayaa isu qaybshey beelaha ay ka soo kala jeedaan dood yar oo qolokasta dhankeeda u yeelatey ayey iska soo xuleen qolo kasta laba xubnood., waxaana ay kala yihiin: 1. Cabdirisaaq Cumar maxamed (Mogadishu Clan) 2. Xuseen Maxamed Nuur (Haweiye) 3. Xaaji Cali Max’ed Nuur- (Digil & Mirifle) 4. Maxamed Abukar Cabdi (Digi & Mirifle) 5. Dahabo Suusow Maxamud (Beesha 5aad) 6. Qaasim Cilmi Seed (Daarood) 7. Cumar Sharif Jeeg- (Beesha 5aad) 8. Nasro Mahdi Caraale (Dir) 9. Cabdullaahi Xassan Rooble (Daarood) 10. Maxamed Xuseen Haadi ( Dir) Guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Golaha shacabka oo lagu dhawaaqey - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay... Mogadishu clan? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted April 26, 2022 Sen Cabdi Xaashi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku dooranayaan shir guddoonkooda, kulanka ayaa ka dhacay teendhada Afisiyoone ee gudaha Xalane. Kulanka waxaa soo xaadirey dhamaan 54 Senator ee Aqalku ka kooban yahay. Saddex Musharax ayaa ku tartamey doorashada waxaana ay martey hal wareeg oo keliya, waxaana ku guuleystey Sen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kamid ah Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi 28 cod Sen. Saalax Axmed Jaamac 24 cod Sen. Cismaan Dubbe 2 cod Sen Cabdi Xaashi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted April 27, 2022 Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceysa Afisiyooni Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa inay ka qabsoonto Xarunta Ciidanka Cirka Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho. Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka BFS ayaa sheegay in maanta Xildhibaannadu ay dooranayaan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen si uu dalka u yeesho hoggaanka hay’adda Xeer dejinta. Teendhada Afisiyooni waxaa la geeyay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, halka la xiray waddooyinka u dhaw oo waxaa loo diidayaa Dadka iyo Gaadiidka, hoolka waxaa ku sugan Ciidamo gaar ah loo diyaariyay baarista goobta iyo Dadka tagaya. Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS 8 Musharax ayaa u taagan kuwaas oo 23kii April 2022 fursad loo siiyay in ay kahor hadlaan Xildhibaannada u codeynaya. Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad waxaa u tartamayaan 10 Musharax, halka ku xigeenka 2aad ay isugu diiwaangeliyeen 7 Xildhibaan. Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceysa Afisiyooni - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee JFS iyo ku xigeennadiisa ayaa maanta oo Arbaca... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted April 28, 2022 Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay oo ka dhacday teendhada Afisyooni. Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod. Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka dhigan inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon. Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee golaha... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted May 15, 2022 Xasan Sheekh oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo caawa lagu soo gabagabeeyey Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareeggii seddaxaad ee ugu dambeeyay ka adkaaday Madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajona uu helay110 cod. Waxaa codeysay 328 xildhibana ee labada aqal ee baarlamaanka. Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey dib loogu doorto xilka ugu sarreeya ee dalka. Xasan Sheekh oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya - Horseed Media HORSEEDMEDIA.NET Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo caawa lagu soo... Quote Share this post Link to post Share on other sites