Deeq A. Posted February 29, 2020 Muqdisho (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo maanta ka amba-baxay Magaaladda Muqdisho ayaa gaaray Caasimadda Dalka Aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa garoonka Doyaaradaha Ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumud iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalkaas Jamhuuriyadda Jabuuti. Booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ku tagay Dalka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka dambeysay ka dib markii casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa Jabuuti. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa mudada uu ku sugan Dalka wuxuu ka qeyb geli doonaa furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti. View the full article Share this post Link to post Share on other sites