Deeq A. Posted February 29, 2020 War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn uu Mareykanka ka fuliyey deegaanka Kuunya Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay diyaaradahoodu fuliyeen laba duqeymood. Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi dhanka cirka ah ay ku dileen illaa laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay taliska AFRICOM. Sidoo kale Mareykanka wuxuu sheegay in wax khasaare ah uusan weerarkaasi ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ka agdhowaa goobaha la duqeeyay. Ugu dambeyn Mareykanka ayaa tilmaamay inuu xoojin doono duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites