Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 21, 2020 Puntland oo ka mamnuucday in Masaajidda deegaannadeeda ku yaalla lagu tukado ciidda si loo xakameeyo faafidda COVID-19 Wasaaradda cadaaladda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo goor dhow la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in salaadda Ciidda aan lagu tukan Karin masaajidda deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo. Waxa uu qeexay in arrimahaasi ay uga gol leeyihiin xakameynta xanuunka COVID-19 oo kiisas kamid ah horay looga helay Puntland, wuxuuna wasiirku qeexay in shacabka ay u dhaga nuglaadaan awaamiirta lasoo saaray. Dhinaca kale waxa uu qeexay in maalmaha ciidda kadib ay qorsheeynayaan in ay dib u furan dugsiyada Qur’aanka kariimka ah, laakiin waxa uu tilmaamay in ay jiraan sharuudo horyaalla macallimiinta oo ay kamid yihiin in 30 arday ka badan aysan waxba bari Karin. Deegaanno kamid ah maamulkaasi ayaa horay looga diiwaan-geliyay xaalado la xiriira Coronavirus, waxaana la ogeyn sida amarkaan soo baxay uu dhaqan-geli karo maadaama bulshada Soomaaliyeed xilliyada ciidaha ay aad isugu yimaadaan Masaajidda iyo barxadaha lagu tukado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
maakhiri1 Posted May 21, 2020 Dawlada Federal ka waa mahadaanthay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 22, 2020 23 hours ago, maakhiri1 said: Dawlada Federal ka waa mahadaanthay Dowladda dhexe Reer Sool iyo Sanaag wey u gurmatay inta tabarteeda ah. Waxaa maqlay in Taleex xataa wax loo wado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 22, 2020 Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Federalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa warbixinta maalin laha ah oo ay soo jeedijso galab walba ku faah-faahisay xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 22, 2020 21 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 21 > Banaadir: 19 > Puntland: 2 > Male: 14 > Female: 7 > Recovery: 16 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,594 Total recoveries: 204 Total deaths: 61 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia 16 recoveries a day. Waa Rabi mahadiis. Quote Share this post Link to post Share on other sites
cadnaan1 Posted May 23, 2020 Kooxda musical ka ayaa maanta farxada ciida awgeed u tagay banaanka martiini hospital si shaqaalaha caafimaadka ciida ula qeybsadaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 25, 2020 Qaar ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku dhaqan Xuddur ayaa isutaagay ka wacyi galinta bulshada ee qatarta cudurka Covid19 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 25, 2020 Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan dhanka internetka ah la yeeshay dhaqaatiirta isbitaal Martiini, si uu farxadda ula qeybsado, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka ay dalka uga badbaadinayaa safmarka CoVID19 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 25, 2020 Wasiir ka tirsanaa Puntland oo u geeriyooday Coronavirus Allaha u naxariistee waxaa saaka gudaha magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii deegaanka iyo beeraha maamulka Puntland, Marxuum Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) oo maalmahaan la xanuunsanaa cudurka faafa ee Coronavirus. Geerida wasiir Gama’diid ayaa waxaa goor dhow xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedlka Soomaaliyeed ee Puntland. AUN Ismaaciil Diiriye (Gama’diid) ayaa muddooyinkii dambe waxaa lagula taacalayey xaaladdiisa magaalada Muqdisho, kadib markii dhowaan xaalad caafimaad looga soo qaaday magaalada Garoowe oo uu kula dhacay cudurka safmarka ah ee Covid-19. Puntland ayaa ka mid ah deegaanada uu sida daran u sameeyey cudurka faafa ee Coronavirus, kaas oo haatan fara ba’an ku haya guud ahaan dalka Soomaaliya. Dhinaca kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa war ka soo saaray geerida Marxuum Gama’diid, wuxuuna tacsi u diray golaha xukuumadda iyo sidoo kale hellada maxmuuka oo uu alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 26, 2020 25 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 95 > Somaliland: 72 > Benadir: 17 > South West: 4 > Galmudug: 2 > Male: 65 > Female: 30 > Recovery: 31 > Death: 5 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,689 Total recoveries: 235 Total deaths: 66 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 26, 2020 Wasaaradda Caafimadka oo markale kaashanaysa Nomad Innovation Lab, oo ah Urur Dhalinyaro Soomaaliyeed, oo ka caawiyay Wasaaradda Caafimaadka in ay yeelato hab casri ah ee loo soo bandhigo xogta COVID-19 ee Soomaoliya, waxaanu soo kordhinay xogta: - Irdaha wadanka laga soo galo - Goobaha lagu xanaaneeyo bukaanada COVID-19 Xogtaan cucub waxaad ka heli kartaan botomada ku yaalla qariidada hoosteeda. Dashboard: https://moh.gov.so/en/covid19/ Mahadanidiin Nomad Innovation Lab. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 27, 2020 26 May 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 22 > Somaliland: 14 > Banadir: 5 > Jubbaland: 1 > South West: 1 > Hirshabelle: 1 > Male: 11 > Female: 11 > Recovery: 18 > Death: 1 ------------------------------------ Total confirmed cases: 1,711 Total recoveries: 253 Total deaths: 67 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 27, 2020 Khayre oo amray in gurmad deg-deg ah la gaarsiiyo magaalada CADAADO Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shir ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda caafimaad ee ku soo korortay Galmudug. Shirka oo ahaa mid hab Online ah ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo warbixin laga dhageystay. Qoor-Qoor ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug iyo saameynta uu ku yeeshay cudurka Covid-19 oo fara ba’an ku haya maamulkaasi. Sidoo kale Ra’iisul wasaare Khayre ayaa amray in gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo degmada Cadaado oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyey xanuunka. Dhinaca wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaaladaasi uu ku wajahayn madaxeeynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) si u soo qiimeeyo halista caafimaad iyo qalab la’aanta laga soo sheegayo halkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhowaad 10 qof Covid-19 ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka, waxaana haatan xaalad deg-deg ah lagu soo rogay gudaha magaaladaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites