Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dagaalkii caawa Dhuusomareeb ku dhex maray DF iyo Ahlu-Sunna iyo sida uu ku billowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw joogsaday is-rasaaseyn socotay ku dhawaad saacad oo caawa magaalada Dhuusamreeb ku ku dhex martay ciidamada dowladda federaalka iyo ilaalada hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ee ku sugan xarunta Inji.

Caasimada Online ayaa u kuur gashay waxa sababay iska-hor imaadka labada dhinac ee kala taabacsan Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka.

Shaqaaqadaas ayaa bilaabatay kadib markii dhalinyaro taabacsan Ahlu-Sunna oo ka careysan xarig mudo kooban ay ciidamada dowladdu xalay u geysteen, ay xoog ku jiirsiiyeen gaari ay wateen Bar-Kontorol oo ciidamada Nabad Sugidda ee dowladda federaalka ay ku leeyihiin meel aan ka fogeyn xarunta Inji.

Ciidamada ku sugnaa Kontorol-kaas ayaa rasaas ku furay gaariga xoogga ku dhaafay, halka dhalinyaradii wadatay gaariga ay iyaguna rasaas kale ugu jawaabeen.

Intaas kadib gaarigii ayaa galay xarunta Inji oo ay ku sugan yihiin hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, waxaana ciidamada dowladda ee joogay Kontorolka gaarigu soo dhaafay iyaguna rasaas ku furay ilaalada xarunta Inji ee Ahlu-Sunna.

Waxii markaas ka dambeeyey dhowr jiho ayey ciidamada dowladdu kasoo billaabeen rasaasta, waxayna iskugu jireen ciidamada dowladda ee ay is-rasaaseeyeen kuwa Ahlu-Sunna, Haramcad iyo Nabad Sugid, sida aan xogta ku helnay.

Mudo ku dhaw saacad oo ay si toos ah u socotay is-rasaaseyntaas ayey goor dhaw iskeed u joogsatay, welina lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka caawa dhex maray labada dhinac.

Cabsi xoog leh ayaa caawa ka taagan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo laga baqayo in gacan ka hadalku uu sii daba dheeraado, maadaama garabka Ahlu-Sunna ay aad uga careysanyihiin xanibaad lagu soo rogay dhaq-dhaqaaqa xarunta ay hoggaankoodu ku sugan yihiin ee Inji.

Amar kasoo baxay garabka uu hoggaamiyo Madaxeynaha Galmudug Qoor-Qoor ayaa lagu mamnuucay in la galo lagana soo baxo xarunta Inji oo madaxtooyo u ah hoggaanka ururka Ahlu-Sunna.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this