Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland ” Haddii DF Ciidamada Haramcad keento Mudug waxaan u diyaarinay ciidamada Shabeelka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasismadda Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska DOWLADDA Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse oo wareysi gaar ah siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay hawlgal culus oo Booliisku ka bilaabeen magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ammaanka deegaannada kala duwan ee Maamulkaas aad loo adkeeyey,isla markaana Puntland ay ilaalineyso xaduudaheeda.

Janeraal Muxudiin ayaa waxaa uu ka hadlay wararka soo baxayay oo sheegayay in Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo geyneyso qeybo kamid ah gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkaccyo ayaa sheegay inay iska difaacayaan.

“Xaqiiqdii hadii Dowladdu keento Ciidanka Haramcad anagana waxaan u diyaarinayaa Ciidanka Shabeelka oo iska difaacaya,waxaana ay Ciidanku diyaar u yihiin difaaca dhulka,waxaana ugu baaqayaa Shacabka inay Ciidamada la Shaqeeyaan ayuu yiri”Taliyaha.

Guddoomiyihi hore ee Gobolka Mudug Puntland ayaa goor sii  horeysay waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay Ciidamo geyso deegaano ka tirsan gobolka Mudug,hayeeshee Puntland ay u diyaarsan tahay iskana difaaci doonto.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay horay u geysay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland,iyaga oo Ciidamadaas howlgallo kala duwan ka wadaan degmooyinka Gobolkaas.

Puntland ayaa walaac ka muujisay hadal heynta la xiriirta in Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka ah la geynayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Hadal hayntaan ayaa timid ka dib markii dhawaan Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu magacaabay Taliska qaybta Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this