Deeq A. Posted February 27, 2020 Laascaanood (SMN) – Xaalad kacsanaan ah ayaa waxaa la sheegay in laga dareemayo degaano ka tirsan gobolka Sanaag. Si gaar ah tuuladda Hadaaftimo ayaa la tilmaamay in ay ka jirto xiisadda, halkaasoo ay ku dagaalameen Puntland iyo Somaliland. Abshir Maxamed Aadan, aqoonyahan kasoo jeeda gobolkaas, ayaa siyaasiyiin dano gaar ah leh ku eedeeyay hurinta colaada. Isagoo u waramay warbaahinta Shabelle, wuxuu tilmaamay in colaada salka ku hayso in ay beel ku biirto Somaliland ama Puntland. Ugu dambeyntii, wuxuu dhinacyadda ku booriyey in ay joojiyaan colaadda isla markaana ay kawada shaqeeyaan xasilinta gobolka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites