Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii hore ee Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa Ahlusunna oo la xiray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas Xalay lagu xiray Guddoomiyihii hore ee degmada Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa hoggaanka Ahlusunna Axmed Walad Cabdalla.

Guddoomiyihii hore iyo xubnaha la socday ayaa lasoo sheegayaa inay xireen ciidamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Magaalada Dhuusamareeb.

Xubnaha la xiray ayaa xilliga la xirayey waxay kasoo baxeen Xerada Inji oo xarun u ah hoggaanka Ahlu Susnna ee ku biiray Maamulka Galmudug isla markaasna hadda aan aqoonsaneyn madaxweynaha dowladda ay wadato ee Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Sababta loo xiray xubnahaan ayaa lagu sheegay inay tahay amar kasoo baxay madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug oo lagu amray in lagu xadido dhaqdhaqaaqa gelintaanka ama kasoo bixidda Xarunta Inji oo ay gacanta ku hayaan ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna.

Hoggaanka Ahlusunna oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee Dowladu Aqoonsantahay ayaanan weli ka hadlin tallaabadaan lagu xiray xubno taageersan oo uu kamid yahay guddoomiyihi hore ee degmada Dhuusamareeb.

Xariga xubnahaan ka tirsan Alh Sunna ayaa kusoo aadayo xilli weli uu jiro khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this