Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaal degmo oo ‘naftooda kala baxsanaya’ ciidamada HARAMCAD

Recommended Posts

Deeq A.   

Lafoole (Caasimada Online) – Maamulka degaanka Lafoole ee koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhibaato badan ku qabaan ciidamada Haramcad ee booliska Soomaaliya kuwaas oo ku sugan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Muqtaar Nuur Geeseey, oo ah guddoomiye ku xigeenka degaankaas ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday isku dhac gacan ka hadal ah oo dhaxmaray ciidan ilaalo u ah iyo ciidanka Haramcad kadib markii loo diiday in uu galo xarunta degmada.

Guddoomiyaha sheegay in isaga, taliyaha Saldhigga, Guddoomiyaha degaanka iyo masuuliyiinta kalaba ay ku dhawyihiin ay ka soo barakacaan degaanka Lafoole iyo xarumihii shaqada kadib markii ay is hortaageen ciidamada Haramcad sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan doonaynaa in ay ka soo barakcno xafiisyadeena iyo guryaheena sababtoo ah ciidankaan xushamad maleh, qof looga dacwoodana maleh, dhibaato daranna waan ku qabnaa annaga iyo shacabkaba” ayuu yiri guddomiyaha ku xigeenka degaanka Lafoole ee mamaulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka Haramcad oo laga amro magaalada Muqdisho ayaa xiray wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye waxaana dhibaato daran ku qaba dadka degaanka iyo gaadiidka halkaasi ku safra waxayna dadweynaha isticmaalaan wadooyin qardo jeex ah.

Waddadan oo uu ka socdo dhismaha jidka, ayaa waxaa horey dhow qarax oo dhimasho badan sababay uga gaysatay kooxda Al-Shabaab, oo isku dayeysa inay joojiso dhismaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this