Sign in to follow this  
Deeq A.

Goodir oo ka jawaabay hanjabaaddii Jeesow ee la xiriirtay dhagaxa ‘qaaliga ah’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir oo ah xildhibaan ka tirsanaa baarlamaankii hore ee dalka, ayaa si kulul uga jawaabay hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku hanjabay in laga saari doono beesha Gaaljecel oo ay kasoo wada jeedaan.

Arrinta ka dhaxeysa labadan mas’uul waxay salka ku heysaa muranka ka dhashay dhagaxii qaaliga ahaa ee laga helay deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan oo ay beeshoodu degto.

Xildhinbaan Jeesow ayaa Goodir ku eedeeyey inuu la shaqeeyo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana uu hadda isku dayayo inuu kiiska Dhagaxa laga helay Ceel Cali u beddalo mid ganacsi.

Xildhibaan hore Maxamed Goodir oo ka jawaabayey hadalka Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in sifo sharci ah uu uga fal-celinayo gef uu sheegay in uu kula kacay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

“Waxaan warqad u qorayaa guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ay garbaheyga taagan yihiin ugaaska iyo nabadoonada beesha Gaal-jecel oo dhan, kuwaas oo cadeynaaya in Xildhibaan Jeesow uu diiday in uu joojiyo fidnada uu beesha ka dhex wado, xasaanada looma siin in uu dadka ka sameysto waxa uu rabo, balse waxaa loo siiyey xasaanadda in uu dadka ugu adeego” ayuu yiri Ex Xildhibaan Goodir.

Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir ayaa sheegay in Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu ugu hanjabay in naftiisa iyo maalkiisa uu dhibaateyn doono.

“Horta waxaan u sheegayaa in aana aheyn qof la cabsi geliyo sida uu aaminsan yahay, Shabaabku dadka waa gaaleysiiyaan, isaguna dadka waa uu Shabaabeeyaa, ama qofkii uu rabo in uu baad ka qaato Shabaab ayuu ku tilmaamaa, cidii Shabaab ahna ha’adaha ammaanka ayaa dadka ka yaqaan oo kasoo dhex saaraya” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed Goodir.

Ex Xildhibaan Goodir ayaa sheegay in beesha ay kasoo jeedaan isaga iyo Xildhibaan Jeesow ee Gaaljecel ay ku ballameen in aan laga jawaabin waxa uu ku hadlay Jeesow, balse uu hadda gaaray xilligii la iska dhicin lahaa Xildhibaan Jeesow.

“Meel walba oo uu kasoo hadlo ayaan ugu jawaabeynaa, xoogga uu igu handadayana in uu shaqeynaayo umadda ayaa marqaati nooga ahaaneysa, koley cid aanaa u bandhigin arinka ninkan ma jirto, hadii ay ahaan laheyd ugaas ama waxgarad kale toona” ayuu yiri xildhibaan hore Maxamed Maxamuud Ibraahim Goodir.

Ugu dambeyntii masuulkan ayaa sheegay xasaanadda uu ku faanaayo  Xildhibaan Jeesow aysan ka hor istaagi doonin sharciga.

Hoos ka daawo Goodir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this