Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumadda Madaxweyne Biixi Oo Beenisay War Ay Faafisay BBC-du

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinyta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu beeniyey War aan sal iyo raadtoona laheyn oo ay maanta duhurkii baahisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da kaasi oo ay ku sheegtay in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan xafiiskiisa kula yeeshay Wufuud ka socota Beesha caalamka,kuwaasi oo galabtanna la shiraya axsaabta siyaasadda.”

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo soo gaadhay galabta Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas xaqiiqada ka fog ee ay maanta baahisay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, Waxaanay Wasaaraddu caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen.

Sidaas darteed, waxa Wasaaradda Warfaafintu ay Idaacadda BBC-da u soo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL, taasi oo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Warfaafintu waxay ku boorinaysaa Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du inay ilaaliso karaamada dhegaysteyaasheeda oo aanay baahin warar been abuur ah isla markaana aan dhicin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this