Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin ka dhan ah sharci uu Farmaajo saxiixi rabo oo loo gudbiyey baarlamanka UK

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Baarlamanka dalka UK ayaa la horgeeyye mooshin ka dhan ah sharciga saxaafadda Soomaaliya ee horyaalla madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu saxiixo.

Mooshinkan oo baarlamanka loo gudbiyey 24-kii bishan, ayaa lagu sheegay in Aqalka Hoose ee UK uu ka walaacsan yahay sharcigan oo xaddidi doona xoriyadda hadalka.

Mooshinka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sharciga uu soo ansixiyey baarlamanka Soomaaliya uu wasaaradda warfaafinta Soomaaliya siinayo awood baahsan oo ay ku faro-geliso shaqada suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta, islamarkaana saameyn ugu yeelato werinta dhacdooyinka ay dadka xiiseynayaan.

“Sharcigan waxaa ku jira xaddidaado badan oo aan la aqbali karin oo ku aadan waxa warbaahinta ay daabici karto ama werin karto,” ayaa lagu qoray mooshinka baarlamanka UK.

“Sharcigan wuxuu aas-aasayaa hab cusub oo lagama maarmaan ah oo dacwad oogayaasha ay ku dhageysan karaan kiisas ka dhan ah dambiyada warbaahineed.”

Mooshinka ayaa ku baaqay in dowladda UK ay ku cadaadiso madaxweyne Farmaajo inuu dib uga fiirsado sharcigan, islamarkaana uu diido inuu saxiixo, si loo xaqiijiyo in dib loogu laabto oo is-beddel lagu sameeyo, lana waafajiyo dastuurka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this