Sign in to follow this  
Deeq A.

Suuqa ganacsiga magaalada Boosaaso oo maanta xiran

Recommended Posts

Deeq A.   

Suuqa ganacsiga magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta hakad ku jiro, islamarkaana albaabada la’isugu laabay dukaamada suuqaasi.

Ganacsatada ku dhaqan magaaladaasi ayaa ka cabanaya lacago canshuuro ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa innoo sheegay in canshuurta la saaray shey kasta oo faa’iido laga helayo, taasina ay caqabad xoogan ku tahay, sid ay hadalka u dhigeen.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan uu xirmay suuqa weyn ee waqooyiga Gaalkacyo, kadib markii ay Puntland canshuuro ku dalacday suuqaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this