Deeq A. Posted February 26, 2020 Afgooye (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ka Afduubtay Muuse Cabaas Cusmaan, oo ka tirsan weriyaasha Shabeellada Hoose. Caasimada Online ayaa heshay xog sheegeysa in Weriye Cabaas oo sidoo kale ahaa qof ku shaqeysta Mootada Faykoonka dhowr cisho ka hor laga shirqoolay gudaha Afgooye. Laba nin oo bastoolad ku hubeysan ayaa weriye Cabaas ka dalbatay in uu geeyo degaan lagu magacaabo Nuun Garre oo ka tirsan Tooratoorow, waxaana kadib lagu wareejiyay dagaalamayaasha Al-Shabaab. Muuse Cabaas Cusmaan, waxa uu hadda ka tirsanaa Radio Afgooye, waxa uuna sidoo kale wakiil wareed u ahaa Radio Goobjoog ee Muqdisho. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in weriyaha loo qaaday Janaale, waxaana lagu heestaa war uu ka sii daayay Radio Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose. Xubno Al-Shabaab ah ayaa la sheegay in ay hore ugu digeen weriyaha hase yeeshee dad badan ayaa hadda ka walaacsan xaaladda Weriyaha oo aan la ogeyn sida ay ku dambeyn doonto. 16-kii bishaan ayaa gudaha Afgooye waxaa lagu dilay weriye Cabdiwali Cali Xasan Online oo ahaa 25 jir heesta laba caruur ah. Ma jirto cid sheegatay illaa hadda dilka weriye Online. Share this post Link to post Share on other sites