Sign in to follow this  
Deeq A.

“Somaliland waxa ku socda laba dagaal oo aad u culus”

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, oo hadal ka jeedinayey fadhiga golaha, ayaa sheegay in Somaliland ay wajaheyso labo dagaal.

Xildhibaan Qabile ayaa ka dhawaajiyey in labadaasi dagaal uu midkood sii hurinayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo isagu qeyb ka ah dagaalka iyo muranada gudaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaal kale uu Somaliland kaga socda dhinaca arrimaha dibadda, kaasi oo loo baahan yahay in umadda Somaliland ay u mideysnaato, oo cagtana loo dhigo siyaasada arrimaha dibadda.

Qabile ayaa Xukuumada Biixi iyo Mucaaridka u soo jeediyay in laga wada-shaqeyo sidii ay Somaliland u heli laheyd madax-banaani, isla markaana qadiyadeeda gooni isu taaga kor loogo qaado, wuxuuna yiri

“Labo dagaal ayaa ina horyaala, labadaasi dagaalna waa mid Masiiriya oo siyaasada arrimaha dibadda nagaga socda, oo Somaliland oo dhana ku socda, midna waa mid gudaha oo aanu isku wadno oo Xukuumadu ay horseed ka tahay”.

“Xisbiyada iyo qarankan oo dhan cid baa loo igmaday oo madax u ah, cid baa loo baahan yahay inay qodaxda ka gurto, waxa loo baahan-yahay in arrintaa dagaalka dibadda ay Somaliland u midowdo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Midaasina waxay suurobeysa waa marka ay jirto daah-furnaan, wada-tashi iyo taladoo laga wada qeyb galo, waa arrin aan soo dhoweynayo oo haddii aan u midoobi-weyno difaaca qaranimada Somaliland, cid gaari ma difaaci karto”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this