Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ku bilowday madaafiic iyo dagaal toos ah oo maanta ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday saldhi ciidamada AMISOM ay ku leeyhiin deegaanka Buurane hoostaga degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo dheegay in dagaalka oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka ay bilaabeen barakac, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta dagaalkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo milatari laga dareemayaa agagaarka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this