Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha ammaanka ee QM oo kulan ka leh xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in saacadaha soo socda shir xasaasi ah ay ka yeeshaan  xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka qeyb galaya ergeyga gaarka ah ee QM, James Swan.

Egeyga ayaa jeedin doono khudbad uu uga hadlayo xaaladda ammaan, mida siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Soomaaliya.

James Swan ayaa sidoo kale la filayaa in khudbaddiisa uu ku soo qaado arrimo ku saabsan doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dhammaadaka sanadkaan 2020/2021-ka.

QM ayaa dhinacyo badan ka taageerta dowladda Soomaaliya, sida arrimaha bani’aadanimada, dhaqaalaha iyo dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this