Deeq A. Posted February 24, 2020 Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul markale ugu hadlay isticmaalka adeegga safirka lacagaha qaad ee Forex. Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu sheegay in Forex ay ula mid tahay Al-Shabaab oo kale, islamarkaana maamulka Gobolka Banaadir aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ay waajib tahay in maamulka gobolka uu arintan markasto ka hadlo. Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uu xusay in adeega Forex uu halis ba’an ku yahay shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dadka ku lugta leh ama lacagaha gashtay ay ka fogaadaan, si aanu u gaarin dhibaato dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay. Cumar Filish guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sidoo kale dhawaan ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa horey u sheegay inuu aaminsan yahay in adeeggan Forex uu yahay mid dalka dibadiisa laga soo abaabulay dhibaatana uu ku yahay dhaqaalaha dalka. “Shaqsiyan waxaan aaminsanahay in dhaqaalaha soomaaliya dhibaato ku yahay, dad meelo kale joogana ay soo abaabuleen Maamulka gobolka Banaadirna waan joojinay in xarun cusub la diiwaangeliyo oo laga furo caasimada.”ayuu yiri Guddomiye Cumar Filish. Duqa Muqdisho oo fasirayay sida loogu qayaanayo shacabka adeega forex ayaa tusaale u soo qaatay sida kalluumeysatada ay u dabto mallaayga taasoo mallaygu uu is yiraahdo cun hilibka makaalinta la soo geliyay balse isaga la cuno. Waxa uu ka digey shacabka in adeegan markahore waxyar afka dadka loo gelinayo kadibna marka ay lacago badan keensadaan ugu dambeyntii la dhihi doono waa khasaarnay. Adeegga Forex ayaa ku soo badanaya dalka iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay haatan ka furan yihiin xarumo faro badan waxaana sidoo kale adeegaan uu ku sii faafay gobolada dalka. Share this post Link to post Share on other sites