Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo la kulmay safiirada Caalamka u fadhiya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Kulanka.jpg?resize=1000%2C662&ssl=1

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa kulan la qaatay Wakiilo Ka Kala Socday UN, USA iyo safiirada dalalka La isku yiraahdo Copenhegan Group oo ah safiirada dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya,waxaana kulanka looga hadlayay Doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan Marka la gaaro sanadka 2020-ka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Safiirada Caalamku ay ku bogaadiyeen Baarlamaanka Soomaaliya howlaha ay hayaan ee la xiriira Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan sameynta sharciyada muhiimka u ah Doorashooyinka Dalka,Sidoo kalena waxa ay amaaneen horumarada kala duwan ee ay gaartay Dowlad Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Kulanka iyo qodobadii kasoo baxay.

Waa markii 3aad oo uu shirka nuucaan dhaco, waxaana la iska wareystaa arrimaha dalka taagan, Ajandaha ugu weyn waxa ay ahayd doorashada nagu soo fool leh u diyaar garowgiisa, waxa ay aad ugu hambalyeeyeen Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda sida ay u soo diyaareen sharciga doorashooyinka, waxaa la iska xogareysanayay diyaar garowga doorashada, qoondada haweenka iyo sidii loo asteyn lahaa meelaha laga codeynayo”.ayuu yiri Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Mursal oo la kulmay safiirada Caalamka u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this