Deeq A. Posted February 23, 2020 Xilli ay dhowaan Shabakadda Warbaahinta Shabelle baahisay warbixin ku aadan amni darro baahsan oo ka jirta Dharkenley oo uu barakac ka bilowday ayaa waxaa arrintaasi durbo ka jawaabay maamulka degmadaasi oo howlgallo amni xaqiijin ah ka bilaabay halkaasi. Guddoomiye degmada Dharkeynley Abuukar Axmed Cadow oo la hadlay warbnaahinta ayaa ka warbixiyey baaritaano ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmadaasi. Cadow ayaaa tilmaamay in howlgalladaan lagu soo qab qabtay rag burcad ah oo dhac ka geysan jiray afarta waaxood ee degmadaasi Dharkenley. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cod-Dharkeenleey.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites