Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Ismaaciil: Waa lagu ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
ismaaciil.jpg?w=1000&ssl=1Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyay, in uu ku ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo, kadib markii uu kusime ka dhigtay wasiirkiisa Cadaaladda.

Abuukaate Ismaaciil oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Garoowe, ayaa sheegay in haddii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin, ay tahay in talada lagu celiyo Guddoonka Baarlamanka, maadaama Puntland ku dhisantaha Parliamentary system.

Parliamentary system: waa nidaamka madaxweynaha ay soo doortan Golaha Baarlamanka, sidaas darteedna dowladda nidaamkaas ku dhisan, hay’adda ugu sarraysaa waa Baarlamanka.

Puntland waa baarlamanteri haddii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay maqan yihiin waa in talada Baarlamaanka lagu soo celiyaa, sida aan hadda wax ku wadno waa ‘Maamuus ku ciyaarid” ayuu yidhi xildhibaan Ismaaciil.

Puntland oo hadda ay dalka dibaddiisa ku wada-maqan yihiin madaxweyne Deni, ku xigeeniisa Axmed Karaash iyo Guddoomiyihii Baarlamanka Abwaan Cabdirashiid Jibriil, waxaa ku sime madaxweyne ka ah Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta,Dastuurka iyo Dhaqan Celinta Cawil Sheekh Xaamud.

Hadalka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka ayaa ku soo beegmay, iyadoo warbaahinta Puntland Post ay todobaadkii hore qortay warbixin iftiimisay cidda nidaam ahaan sii hayaa  madaxweynaha noqon karta, maadaama Puntland ay Parliamentary system ku dhisantahay.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Ismaaciil: Waa lagu ciyaaray Hab-maamuuskii dowladnimo ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this