Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiay Oo Markii Ugu Horreeyay Ka Hadashay Kulankii Dhex-Maray Biixi Iyo Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreeyay ka hadashay kulankii dhawaan dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ka dhacay Magaalada Addis Ababa.

biixi-iyo-farmaajo.jpg

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay inay tahay arrin wanaagsan raali-gelintii Madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay dhibaatadii dowladda Kacaanka u geysatay shacabkii Gobolada Waqooyi, iyadoo xilligaas la adeegsanayay magaca dowladda.

Sidoo kale  Qoraalka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in aqbalaadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee raali-gelintii Farmaajo ay tahay mid muujineysa isku soo dhawaansho labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland.

“Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyay raali-gelin guud oo uu Madaxweyne Maxamed Farmaajo ka bixiyay xasuuqyadii Siyaad Barre, Madaxweyne Biixi wuxuu ugu sacabo tumay tallaabadan inay tahay mid taariikhi ah” ayaa lagu yidhi qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Si kastaba kulankii dhexmaray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa kasoo shaqeeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this