Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo soo bandhigtay Khasaaraha Weerarkii Ceel Saliini

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa si rasmiya u soo bandhigay, sawiro muujinaya Khasaarihii ay gaarsiiyeen ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya, kadib weerarkii Al-shabaab ka fulisay Saldhiga degaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeellada Hoose.

Sawirada Al-shabaab soo bandhigtay, ayaa muujinaya malayshiyaadkooda oo si buuxda gacanta ugu haya  Saldhiga Ceel Saliini iyo maydad aad u badan oo daadsan gudaha xeradaas, kuwaas oo Al-shabaab ay ku sheegtay askartii ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab waxay sheegtay in ay ceel saliini ku dileen in ka badan 40 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, islamarkaana qaar kale ay nolosha ku qabteen, hub fara badana ka qaateen saldhigaas Ceel Saliini.

Sidoo kale, sawirada waxaa ka muuqda malayshiyaadkooda oo gubaya qeyba kamid ah Saldhiga iyo qaar kale oo saran gaadiidkii dagaalka ee xeradaasi yaallay.

Al-shabaab ayaa saldhiga Ceel Saliini weerartay 19-kii bishaan February oo ku beegnayd Arbacadii todobaadkii hore. Saldhigaas oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa qiyaastii 55 KM u jra magaalada Muqdisho.

Hoos ka eeg sawirada qaar

1-35.jpg?w=1000&ssl=1 2-24.jpg?w=1000&ssl=1 7-12.jpg?w=1000&ssl=1 9-7.jpg?w=1000&ssl=1 8-9.jpg?w=1000&ssl=1 6-13.jpg?w=1000&ssl=1 5-14.jpg?w=1000&ssl=1 3-18.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo soo bandhigtay Khasaaraha Weerarkii Ceel Saliini appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this