Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ku biirtay the Hague Code of Conduct

Recommended Posts

Deeq A.   

Midowga Yurub ayaa daqiiqado ka hor shaaciyay, in dowladda Soomaaliya ay si rasmiya u saxiixday Xeer-Anshaxeedka loo yaqaan the Hague Code of Conduct, oo mamnuucaya faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada (weapons of mass destruction).

Soomaaliya ayaa noqotay dowladdii 143-aad ee saxiixday Xeer-Anshaxeedkaas, oo magaalada the Hague  ee waddanka Netherlands lagu aas’ aasay 25-kii November ee sannadkii  2002, si loo xakameeyo faafidda gantaalaha Balaastikada ee Xambaara Hubka wax gumaada.

Midowga Yurub, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ku biirtay dalalka saxiixay xeer-Anshaxeedka the Hague Code of Conduct, waxaana uu dalalka harsan ugu baaqay in ay saxiixan Xeerkaasi, gaar ahaanna dowladaha haysta gantaalaha Ballistic Missiles-ka.

Sidoo kale, Midowga Yurub, wuxuu sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin the Hague Code of Conduct ,islamarkaana dhammmaan dalalka Xubnaha ka ah Midowgaasi Yurub ay saxiixeen Xeerka.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ku biirtay the Hague Code of Conduct appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this