Kool_Kat Posted June 27, 2007 MMA, I used to love this song in 2000, until my heard me listing and said "naa maxaytahay heestaan calaalka ah, oo maalin kaso markaan gaariga sookoro kuu daaran, ma nin baa u oyn"... This is my song these days: Jacayl kala awood weyne kii iilka dhigay qays laylana ag seexshaa ana igu abuurmoo oogaduu ku faafoo diiday inaan adkaysto iikaa asqeyoo igu kaa eryaayee ogow naftaa kuu ooman adigeee hee imisaa adoo kale arji ila timadoo oofin maayo aan idhi awadaa uu joojee wadnahay i ololeyee ii dhigo abaalo arintayda meel mari Axdi been lama galoo wacad lama ilaawoo ruuxii ku aaminaa lagama indhasaabtee afar sano iyo dheraad arimahaan dhisaynee aan is idhi idlaadeee wadiigii firdheeyee ogow naftaa kuu ooman adigee imisaa adoo kale arji ila timidoo oofin maayo aan idhi awadaa u joojee wadnahay i ololeyee ii dhigo abaalo arintayda meel mari Ma ogtahay aduunyada rabi inuu ku uumaay hablo kaa asluub wacan ee kaa ilwaad qurux ama aynigaadaa ana aanan ka oodneyn waadigan i agmaraye sidaan ahayba eegine ogow naftaa kuu ooman adigee imisaa adoo kale arji ila timidoo oofin maayo aan idhi awadaa u joojee wadnahay i ololeyee ii dhigo abaalo arintayda meel mari Another calaal, but what can I say, I guess I have a thing for calaal songs... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ms DD Posted June 27, 2007 Kool Heestaa wey igu warwareegeysa how it sounded. I cant recall. Who know this song: Jamaadee Jamaade Wax jacely la dhowraa la la la la la jinnii iyo habeen qaba As you can tell, I dont know the words..so can someone post it? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 27, 2007 ^^ Jamaadeey, Jamaadeey Wax jacayl la moodaa Intuu jilibka ii dhigay I jibaaxay aniguye Jini qabe Shabeel iyo Aar jimicsanayaa Jeenyaha ii saraa.... Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 27, 2007 Here is da full one jamaadeey waxan jaceyl aan modaan intuu jilibka ii dhigay i jibaaxay anigee jiribtiyo dhibtaan qabo jini qabe shabeeliyo aar jimicsanaayaa jeenyaha i saree jamal kaagu inanyahay igu noqey jawharad wadnahayga jiiftee cilmi kii jilbi u dhiga jare ii maleego jeeqadaa ii goyee jamaadeey jiilaal abaariyo gagi laga hayaamiyo waxan jabaqla soo maray jarmaad iyo caraababa jidka waxan ku soo jiray hadba jimicsi iyo taah jabkaan anigu soo maray jamal kaagu inanyahay igu noqey jawharad wadnahayga jiiftee cilmi kii jilbi u dhiga jare ii maleego jeeqadaa ii goyee jamaadeey gulegole jiin yidhi subax laga jiciirtaan ka jeedaaliyaaye jiribtiyo dhibtaan qabo jini qabe shabeeliyo aar jimicsanaayaa jeenyaha i saree jamal kaagu inanyahay igu noqey jawharad wadnahayga jiiftee cilmi kii jilbi u dhigaa jare ii maleego jeeqadaa ii goyee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted June 27, 2007 Dumar kale ma caashaqin Hadal dambe kumaan oran Dooqaagu wuxuu rabo Kolan deenba kuu galo Wali diiday kuma oran this is one of my favorite songs. How can u not be moved by this song dumar kale ma cashaqin hadal danbe kumaan oran .....man where you can find a brother like that , meel igu tilmaama wa salaamu alaikum Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 27, 2007 here ,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Pujah Posted June 27, 2007 Qoraxdoo aroortii Qaybisay falaadhaa aa Ama qaanso roobaad Daruur midab ku qarisay Qaymaheedii leeyeey Qof mid lama amaanoo Qalad looma heesee Qurayshtii haweenkaay Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Qofaalada jacaylkoo U qabiray naftaydaa Ilamaad qalaynino Waad ila qorshaysee Iga saartay qoolkii Qamandacada dushaydiyo Qamuunyadii i saarnayd Ilamaad qaxootiyin Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Haddaan qiro runtaydoo Qotonshoo warkaygaa Ruuxan kugu qiyaasoo Kula qeer dhigayaa Kama qaadin indhaha Sida roob qayoodoo Saxansaxo qabowbaa Laabtayda qaadee Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee Qabrigaa hortii qaradee Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 28, 2007 Another ultimate cabaad iyo calaacal classic video by the one and the cute Mariisa Karboone. [Originally sung by Luul Jeylaani.] Gafkaan guddi oon u gaystee Iiga garsoora maala waayee Gindi waaye jaceylkee Waaye jeceylkee Adigoon geeriyoobinee God kaama dhaafaayee Waa I gubee Waa I gamaariyee Goor dhaaxaan gegsahaayayee Gebagabeysa la soo gaaree Gogol yaa loo dhigaa oo Ii gargooniyaa Anigaa go’doomayee Garabkeyga go’ayee Goojiyaahee Guulba la bilo Guul aan giyo waayee .... Mariisa Karboone [is she alive qofta horta?] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted June 28, 2007 MMA, I used to love this song in 2000, until my heard me listing and said "naa maxaytahay heestaan calaalka ah, oo maalin kaso markaan gaariga sookoro kuu daaran, ma nin baa u oyn"... Gabar aan shaqo isla adi jirnay waagaas -- 2000 -- ayaa iyadana ku qafiiftay Qabrigii Jaceylka markaas mar labaad soo baxday oo la cusbooneysiiye. Baabuurkeeda ee shideysaba cajalka asagaaba isdaari jiray. Qabrigii jaceylkoo, quraankaan ku mariyee ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Baashi Posted June 28, 2007 Zuhayla gacan baan u taagay Innaba caadi ma aha. Lyrics + melody = memorable lines. Berrigii ay carabiga noo xarxariiqayeen bay waxay nagu bareen balaaqada wazni iyo khaafiya. This one has both so is the one Kool qallanjo has posted. My boy MMA in la soo hayaan u maleynayaa. I know marka qof la soo hayo and I can see the signs. Awoowe keep ya head up inna rag waa kii adkaystee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 28, 2007 Wazni iyo Qaafiyah are the back bone of every poem/song ...... hadaanay lahayn oo weliba aanay isku dubadhacsanayn maba dhegeysto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sharmarkee Posted June 28, 2007 Originally posted by P: [QB] Qoraxdoo aroortii Qaybisay falaadhaa aa Ama qaanso roobaad Daruur midab ku qarisay Qaymaheedii leeyeey Qof mid lama amaanoo Qalad looma heesee Qurayshtii haweenkaay Cute, Waxaasa aamaan layidha, xariif iga dheh, intasaan odhan kari waayay Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 28, 2007 Originally posted by Jacaylbaro: Wazni iyo Qaafiyah are the back bone of every poem/song ...... hadaanay lahayn oo weliba aanay isku dubadhacsanayn maba dhegeysto. dadkan ma kuu garanayan sxb wazni iyo qaafiyah, dad yar baa garanaya sida odayaasha Baashi iyo LST though I suspect LST never heard of Qaafiyad Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 28, 2007 loooool ,,, and i'm sure NO ONE can translate this including you yaa Nuune : Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale Hanquusle halowle Garaad himhimowle Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted June 28, 2007 ^^^ Jaceylbaro, sxb maansadan waad halleesay, iyadoo buuxda inaad keento ayey aheyd, markaas ayuu micnaheedu toosi lahaa, laakin jajabkeedi ayaad keentay halkan, saasna iskuma aysan aadaneen. Waatan iyadoo buuxda maansadii caanka aheed, Hambabeer baa la yiraahdaa Maansadan, waana maansooyinkii lidka ku ahaa dowlaadii Siyaad Barre. Habeenada weysha Dhurwaa habarteeda Dorraad ku hiraabtay Haan-haabadka naaska Haaneed ka deyeysa Nirgaa hugun yuuska Halkii lagu ooday Hammuunta ka yaw leh Riyaa hoganaaya Idaa tuban heelka Cadceedda hagoogtey Haleelada weydda Dhaqaaq hidin waaga Hareeriga taagan Dantaa ku habsiisey Inay hakadaane Dhulkoo hanad joogo Intaan gadadh heerin Ka sii degin heerka Hadeer la yaqaano Intaan habqan beeshu Huluulaha oodan Ku saan go'in hawdka Intaan habac jiitan Badhkeed ku hallaabin Markay habaq baahdo Dugaaggu hilbaysan Intaan hawa boodka Fardaa higil raacay Kuwii higsanaayey Hummaaggu ka reebin Xayeeshku habaabin Intaan halladaadka Hayaanku is waayin Habeenku dhex qaadin Hadhow la shallaayin Hadaadunka naaftay Sidii habas daalka Hawaarsadey ciidda Anaa hiddiddiida Hobey hobe hooda Durbaankiyo heesta Ku soo hoga geyne Adaa hal abuurka Tixraaca ha'leyda Ujeeddada hoose Hawaala yaqaane Haruu orod Faarax Horweynta jiciirtay Hadhaaga u jooji Haydaartiyo doogta Hantaaqada ciilka Dareenka huqdiisa Qamuunyada haarta Caloosha hugmaysa Hiirtaanyada raagtey Dhinbiisha hulaaqday Dabkaan hurin doono Colkaan humin doono Hargaa igu laalan Dhowaan henggel baasta Ninkaan huwin doono Sabaanka hagaagey Barwaaqada hoortay Daruur iyo heego Waxaa hogol gaaxsan Hadhaysay dushayda Harooyinka buuxa Hoobaanta bislaatay Haraaciga daadka Caleenta hiraysa Indhaa halacdooda Hibaaqiyo laaca Naftayda hankeeda Waxay hibanayso Haddii wedku daayo Inay heli doonto Anaa huba taase Hambaaber dhowaanta Dareen ma hurdaana Dagaal wata heeso Hidday u lahayde Hargeysi ma toostay Hogaanka ma diiday Harqoodka ma tuurtay Inaanay hummaaga Hadoodilan yeelin Sidii hebel geel ah Heshii Nebi Saalax Horaadada dhiibin Hankeedu ma siiyey. Waxay hibanayso Ninkay la hadlayso Hagaag ma u sheegtay Hadday sama weydo Inay hantideeda Nafteeda hurayso Hubaal ma caddaysay Allaylehe waa hog Shax aan la hilmaanin Malaa Hugur tiisa Waxaabu u haystey Inaan hayal toosan Harraatii aqoonne Maskii Hilqadaale Ma soo hardaf boodey Horaanse u sheegay Inaan hadda beeshu Hadhiimo ahayne Haddeer waxa jooga Hadmaan ka afeeftay Hasaasaha muuqda Wallee hagar daamo Falkaagu habeensay Higlooy gabbalkaa dhac Hangaalli hungaalli Hegaan hega gaalli Hunjaalli hantoolli Bidhaan had-hadowga Hiwaali hahoodka Jibaanjib hunnuunnu Huraalka hiraalka Hambaaber mardaali Hadeedab mardaadi Kallaal himbiriirsi Hawaawir hayaayir Sadaad herimooya Hunnnuushle hannaashle Sareedo hamboori Hankooble hayooshe Falaad habbabbaale Hanquusle halowle Garaad himhimowle Hayaayub xumaanta Humbaalle dhaqaaqa Hallaallimo soofka Hallaasiga sheelka Harawsiga qaawan Hiliiliqa jeexa Higiishis boqoolka Galbeed hiyi raaca Maraykan ku hiilka Shirqool la hadaafka Habheeb alalaaska Hinraag qayayaabka Haraaryada neefta Hantaatac ergeynta Hagaas caga jiidka Walaaac haghagoodka Tawaawac higgoodka Hamuun taltalawga Calaacal hungowga Heshiis macaluulka Hunfey salsalaaxa Hinfaal wax u sheegga Wasiiro habaynta Hoggaanno samaynta Hadhuubada daatay Hareero ka leefka Jalbeebta hal leyda Rogaal halalleyda Hamaal shaqalkeeda Higgaadda shanlleyda Halkaan ka abbaaray Hadhauudhku Carraale Huftoo hufmi waaye Maxaad kala haadin? Intaas haqab beelka Hadhoodho horteed dheh Hal baase xasuus ah Nin tiisa u heellan Haddaan taladayda Hayaankiyo beesha Hoggaami idhaahdo In taydi haallawday Annaa huba taase Hadhow iyo fullan Waxaanan huraynin Inaan hadda yeelo Ayaa ka hagaagsan Qabiil ku hadaaqa Hobsheyntiyo faanka Masayrkiyo haybta Hinaase la boodka Holayntiyo maagga Hirrooda qab dhaafka Tollaay hebel meeyey Sidii horror waalan Hilbaa igu yaalla Halgaad kula duulka Colaad hurgumootey U sii hangagaarka Heleysada dhiiggu Markuu heleleyda Sidii harawaati Hamuun tiro ciidda Dagaal lagu hoobtay Halyey ku idlaaday Ka soo hindiwaaska Tabaalada huursan Hangoollada qaybta Fulaa halistiisa U sii gacan haadsho Halkay godobtaydu Ka soo hullanayso Ninkay huntutuulka Ku soo hullaanayso Inaan dib u haybsho Hillaabta ka qaado Ayaa ka hagaagsan Hanraawe I boobay Markuu iga haago Inuu hadhadaydu Hafeefta xanuunka Markay hurgumooto Hoosaaso afuufo Halbawlaha kayga Sidaas kula hoydo Nin haad I cunsiiyey Inaan horror siiyo Ayaa ka hagaagsan Hawraar iyo sheeko Haween laga reebay Beraa habar guurtey Hayaan rarygeeda Culaab iyo haamo Waxay hilif saartay Haldhaa kici waayey Hiyeeda gadh jiidka Markuu hollan waayey Ayey hindiskeeda Halaanhal ku keentay Midaan kolkaa haabka Markaa lagu haynin Waxay tidhi "Hoogey Hayaay Cabdi-Qaadir Hareer qabo awrka" Markuu hayinkeedu Hagaag isu taagey Ayey tidhi " haakah" Hebloo gabanteed ah Hilowna basteeda Malaa u han weynna Karaamadan hiirta Ku soo hormanaysa Hilmaanina weydey Wadaadka hoggiisa Ka soo hangallaystay Siduu ugu hiishey Ayaa tidhi "hooyo Muxuu horta sheekhu Inoo yahay haybta"? Waxay tidhi "heedhe Hibooy ratigeennu Markuu hingan waayo Ayaan huriwaaga Haleel cuskadaaye Habeen ma wadaagno Haddaan magaciisa Dantaydu higgaadin Ma soo hadal qaado" Ujeediyo haatan Nin tiisa u heegan Halyeynimadiisa Hashiisa ku dheelmay Iddiisa ku hoystey Inuu hantidayda Habaynta xilkayga Dhismaa hodankayga Hiddaa sharafkayga Waxaan nolol haysto Horsed ka ahaado Ka haayir idhaahdo Ayaa ka hagaagsan Hashayda nin maalay Markuu hordhaceeda Habniin kaga daalo Inaan hanbadiisa Hafriinyaha beenta Habeedda qalaysan Ku hoorsado weelka Gobaad ka hillaabto Inaan ku hagoogto Ayaa ka hagaagsan Anoo qaba hawsha Habeen iyo maalin Intaas sida heeryo Habaaska I fuushan Inaan ku hungoobo Hulleeka madhnaanta Hamaansiga quusta Hamuun la carrawga Heshiis ku ahaado Naftayda ka hiisho Hugaas doqonniino Hurrow nin I saaray Inaanan u hoogin Calaacal harraaddan Xaqayga ku haybsho Ayaa ka hagaagsan Habkii xidinxiidka Dugaag huwantiisa Horyaal ka ahaaye Markii hankakoobka La soo helay guusha Libtii lala hoydey Tukaa yidhi "hoy day Hashaan qalay saami Hagaagna u qaybi Hadhowna I toosi" Tukow hayedaadu Waxbay huwanayde Dantiisa ka haybi Qorshii hiyigiisa Halkay talo joogtay Ka sii wadey hawsha Ninkiina hilmaanyey Saqdii dhexe hawda Ninkii hurdey toosyey Hareeraha eegyey Raqdii ku hungowyey Hanqaar warwareegga Hankaag jaljaleeca Haqdii samri waayey Tukii hanfariirka Waldeys kula haadyey Gar laysu hankaabsey Hamuun gorayaale Ninkii Halac-dheere Wuxuu yidhi "hoy war Intaan hana qaaday Hadeer iyo caawa Haddee weligayba Inaanan hanbaynin Horaad u ogayde Maxaad igu hiifi" ? Ninkayse ka hoostay Mar bay hawireene Ka soo kabey haarta Bahaysiga haadda Hilbaa cuniddooda Habeen gama'iisa Inaanu haweysan Ayuu han fogaanta Halkii kaga dhaartay Ujeeddiyo haatan Rag waa hal adayge Heddeyda wedkeyga Inaan habalyeeyo Tubaa halaq yaalka Hog laygu qaniiney Ku sii hiradkiisa Ka haari agtiisa Ayaa ka hagaagsan Haddaanan haddaanan Haddaanan dhawaaqa Hireyda wireyda Hayaay ka kacayda Jahaadka Hargaysa Barbaartu hagayso Haweenka godoodey Ka qayb gelin hawsha Haddaanan haddaanan Intii isku hiila Hargaysiyo Bayla Intii la hal maasha Bakool hilinkeeda Heeraarta Kismaanyo Ilaa Hobyo geynin Hiiraan u tallaabin Runtay la hudmeene Haddaanan haddaanan Sidii hanqar yeedha Hillaac iyo maayad Dhulkoo dhan hadhaynin Banaadir ka heesin Wixii hurda toosin Halyeyada ciilka Ka haajirey ciidda Halkay talo joogto U sii farin haadda Haddaanan haddaanan Waxaan huro caawa Dhammaan huga xaaska Hayla maryahayga Sariirta hanbaadha Kuraasta hagoogan Ashuunka hunbuuca Haraaq iyo haadyo Waxaan jaqaf haysto Haddaanan xaraashin Waxay hanti goyso Intaan hub u siiyo Dadkayga habaynin Dagaal u hormaynin La soo hadhin guusha Hawraartiyo luuqdu Cabdow hadalkaygu Hawaawi kac weeye Ninkii hebel miihi. Quote Share this post Link to post Share on other sites