Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad oo soo saarey baaq ku saabsan ciidanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa soo jeediyey in daryeel la siiyo ciidamadda si uu isku bedelo hab-dhaqankooda isla markaana u sugaan ammaankooda.

Garaad ayaa hadalkaan ku sheegay qoraal uu soo dhigay baraha bulshada gaar ahaan mareegta Facebook-ga.

Hoos ka akhriso faalada Yuusuf Garaad

Muqdisho waxaa ku badan baraha ciidan ee baabuurta lagu baaro. Ka dib marka isha la mariyo dadka fuushan baabuurka, darawalka ayaa la weydiiyaa meesha uu u socdo iyo Aqoonsi.

Markii aan u fiirsaday waxay ila noqotay in aan soo bandhigo qoraalkan oo ah talo.

Waa daryeel loo awoodo, ciidanku aanuu wada haysan, kana maarmin.

Goobaha fatashka oo magaalada ku tiro badan, wiilasha ciidanka ah ee jooga ee shaqada muhiimka ah hayaa waa nafleey.

Askarta waddada taagan iyo kuwa ag fadhiya, kuwooda aan haysan waa in ay dhakhso u helaan daryeelka asaasiga ah ee ciidan iyo aadane oo dhan aanay ka maarmin.

Ugu horreyn, waa in askari kastaa uu helo biyo uu cabbo.

In aanuu cidna weydiisan ee uu leeyahay meel uu ku sii daayo wasakhda aan jirkiisu u baahnayn. Meelaha qaar waxaa xal noqon karta musqul yar oo hal qof uun qaadda oo mobile ah.

Askarigu waa in uu helo meel uu ku nasto ama uu seexdo saacadaha aanuu ilaalada saarnayn.

Waxay u baahan yihiin in la isu wada ekeysiiyo, loona ekeysiiyo ciidan Dowladeed.

Waxay u baahan yihiin in ay lahaadaan lebbis ciidan oo isku nooc ah, astaamo isku nooc ah lehna astaan lagu aqoonsado.

In lagu tababbaro, ka dibna lagu kormeero anshaxa siiba qaabka uu askarigu u fadhiyo, heybadda uu u taagan yahay, hannaanka uu qoriga u haysto, sida uu u socdo iyo asluubta uu ula hadlayo muwaaddiniinta waddada maraya.

Marka laga reebo anshaxa iyo asluubta, talooyinka kale ee aan soo jeediyay waa laga maarmaa marka ay goobtu tahay bar aan joogto ahayn oo howlgal gaar ah loogu talo galay saacado kooban.

Talooyinkaan qaarkood waxaan soo billaabay in aan soo gudbiyo xilli hadda laga joogo shan sannadood.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this